Waxaad hor taagan tahay qof dumar ah laga yaabee inay tahay qaraabo, ama inaad markaasi is aragtan waxaa laga yaabaa inaad dooneyso inaad su'aal weydiiso.
Ka hor inta uusan hadalka afkaaga ka soo b..
16/03/26 • 72 ビュー
Waxaad hor taagan tahay qof dumar ah laga yaabee inay tahay qaraabo, ama inaad markaasi is aragtan waxaa laga yaabaa inaad dooneyso inaad su'aal weydiiso.
Ka hor inta uusan hadalka afkaaga ka soo bixin is weydii, su'aashani ma tahay su'aal wanaagsan, mise su'aal dhibaato ku keeni kara.
Halkan waxaa ah 10 su'aalood oo ah inaadan waligaa qof dumar ah weydiin, xaalad kasta oo la taagan yahay.
Imisa jir ayaa tahay?
Tani dhab ahaantii ma aha su'aal xun in la weydiiyo haweeney u muuqata inay da'deedu ka hooseyso 25-27,oo ay weli u muuqato qof yar.
Laakiin haddii aad waydiiso su'aashan qof dumar ah oo da'diisu ka weyntahay 30-40 jir ah, waxa laga yaabaa in aad halis u gasho inay xumaan dareento ama niyad jab.
Uur miyaad leedahay ama ma yeelatay?
Tani ma sahalano, sababtoo ah haddii aysan uur lahayn, waxaad si maldahan u leedahay calool ayaad leedahay ama waad cayilantahay.
Mararka waxaa dhici karta in qofka aad weydiineyso su'aashaasi uuba raadinayo uur oo xitaa waxaa dhici karta in habeenkii oo dhanba ay ku fakareysay arrintaasi balse su'aashaada ayaa laga yaabaa inay dhibaato kale u keento.
Habkee ugu fiican ee loo maareeyaa? Kaliya la sheekeyso oo waxba ha weydiin iyada ayaaba laga yaabaa inay kuuu sheegto haddii ay uur leedahay.



