Christine Clark, oo 64 jir ah, ayaa raadinaysay walxo qadiimi ah maalin ka dib ciidii Christmas-ka iyada oo lugaynaysay jasiiradda Lindisfarne ee waqooyiga England markii ay wax indhaheedu qabteen.
..
16/03/26 • 60 Mga view
Christine Clark, oo 64 jir ah, ayaa raadinaysay walxo qadiimi ah maalin ka dib ciidii Christmas-ka iyada oo lugaynaysay jasiiradda Lindisfarne ee waqooyiga England markii ay wax indhaheedu qabteen.
Dhagax yar ayaa u muuqday "in uu ii dhoola cadeynayo," ayuu tiri.
"Waxay u ekayd qof ilkihiisa oo aan kuwa dhab ahayn."
Guriga ayay u qaadatay waxayna ku daabacday bog focebook oo waxyaabaha qadiimiga ah lagu aqoonsado.
Kumanaan qof oo like saaray iyo kuwa faallooyin ka dhiibtay ka dib, dad badan ayaa waxay u muuqdeen inay xaqiijinayaan shakiga ay ka qabaan in uu dhagaxu yahay, dhab ahaantii, xayawaan badeed qadiimi ah.
Christine waxa ay sanad kasta fasax ku tagtaa Northumberland, ee waqooyiga England, iyada iyo ninkeeda Gerard, halkaas waxa ay ka raadiyaan waxa loo yaqaan "Cuddy beads" oo walax qadiimi ah. Jasiiradda Lindisfarne, taa oo loo yaqaan "jasiirad xurmada leh".
Dhulkan baaxadda leh waxa ku nool 150 qof oo keliya.
"Kuulaha" waa qaybaha ka mid ah waxyaabaha qadiimiga ah ee jirida xayawaanka badda ee loo yaqaan crinoid, taas oo lagu naaneeso sharafta Saint Cuthbert.