Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka ee xukuumadda Taliban ee Afghanistan ayaa Isniintii magaalada Kabul heshiis kula gashay shirkad laga leeyahay Sacuudi Carabiya oo la yiraahdo Delta International, kaa..
2026-09-16 • 511 Views
Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka ee xukuumadda Taliban ee Afghanistan ayaa Isniintii magaalada Kabul heshiis kula gashay shirkad laga leeyahay Sacuudi Carabiya oo la yiraahdo Delta International, kaas oo ku saabsan sahaminta iyo soo saarista saliidda iyo gaaska laga helo goobta Kashk-Tirpul.
Xafladda saxiixa heshiiska waxaa goobjoog ka ahaa Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka Arrimaha Dhaqaalaha ee xukuumadda Taliban, Mullah Abdul Ghani Baradar, iyo ergaygii hore ee Mareykanka u qaabilsanaa Afghanistan, Zalmay Khalilzad.
Heshiiska waxaa si wadajir ah u saxiixay Wasiirka Macdanta iyo Shidaalka ee xukuumadda Taliban, Hidayatullah Badri, iyo Madaxa Fulinta (CEO) ee shirkadda Delta International, Shahir Al-Taqqi.
Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka ee Taliban ayaa sheegtay in aagga Kashk-Tirpul uu daboolayo baaxad dhan qiyaastii 22,000 oo kiiloomitir oo laba-jibbaaran, isla markaana inta badan kheyraadka ku jira aaggan oo ku yaalla gobollada Herat iyo Badghis uu yahay gaas dabiici ah.






