Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u xaqiijisay in ay hawada sare geysay hub loogu tala-galay hawl-gallada dagaalka hawada sare, taas oo muujinay..
2026-09-16 • 511 Views
Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u xaqiijisay in ay hawada sare geysay hub loogu tala-galay hawl-gallada dagaalka hawada sare, taas oo muujinaysa isbeddel cusub oo ku yimid awoodda milatari ee Washington ee ka baxsan jawiga Dhulka.
Xoghayaha Ciidanka Cirka Mareykanka, Troy Meink ayaa sheegay in hubka hawada sare ku sugan uu muhiim u yahay ilaalinta ciidamada Mareykanka iyo ka hortagga khataraha uga iman kara dalalka ay loollanka milatari kala dhexeeyo.
Meink ayaa caddeeyay in Mareykanku diyaar u yahay inuu wajaho waxa uu ku tilmaamay “khataraha isbeddelaya”, balse ma uusan shaacin nooca hubka la geeyay iyo waqtigii hawada sare loo diray.
21 days ago
waa iigu baxdaa waxaan
24 days ago
hhhhh, qosol iyo qaraaxo
24 days ago
yes, wax caadiya ma aha
24 days ago
mayaaaaa, macquul ma aha
2 months ago
waa iga yaabisay, yaab dadanaa
2 months ago
waa iga qoslisay
Related Articles